Munaasabad lagu sagootinayay Safiirkii dalka Qadar oo Muqdisho lagu qabtay

Bulsha:-  Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay safiirkii dalka Qadar ee siddeedii sano ee la soo dhaafay u fadhiyay dalka Soomaaliya, Xasan Bin Xamze ayaa lagu qabtay xalay magaalada Muqdisho.

Xafladan sagootinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac wasiirka arrimaha Dibbada,Dublumaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Mudadii siddeeda sano ahayd ee uu dalkiisa wakiilka ugaga ahaa dalka Soomaaliya Safiirkii Qadar Xasan Bin Xamza ayay dowlada Qadar waxa ay ka hirgelisay dalka Soomaaliya mashaariic horumarineed iyo kuwo dib u dhis ah.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah xarun waxbarashada agoonta iyo Machadka daraasaadka diblumaasiyada ee ay wasaarada Arrimaha Dibadda gacanta ku hayso.
Sidoo kale waxaa mudadii uu xilka safiirnimo hayay Xasan Bin Xamze illaa sagaal mashruuc oo horumarineed oo ay ka mid tahay mashruuca dib u dhiska wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye iyo weliba wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Jowhar.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay xafladan sagootinta ah ayaa waxaa ay qireen waxqabadkii safiirka mudada uu xilka hayay iyadoo la isku raacay in dalka Qadar uu yahay wadanka taageerada ugu badan siiya dalka Soomaaliya marka laga reebo dowlada Turkiga shantii sano ee la soo dhaafay.

Ambassador Xasan Hamze aya au mahadceliyay dowlada Soomaaliya mudadii uu wakiilka uga ahaa dalkiisa waxana uu u rajeeyay dowlada Soomaaliya horumar iyo Barwaaqo.


Gabagabadii xaflada sagootinta ayaa waxaa la guddoonsiiyay Ambassador Hamze hadiyado kala duwan kuwaaso ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliya,waxana uu ka mahadceliyay safiirka hadiyadahaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment