Haweeney xijaab la’aan Iran ku meteshay tartan caalami ah oo ku laabatay Tehran (Sawirro)

Bulsha:- Ciyaartoyga reer Iran ee Elnaz Rekabi ayaa si geesinimo leh ugu laabatay Tehran, ka dib markii ay ku tartantay Kuuriyada Koonfureed iyadoo aan xirnayn xijaab qasab ah oo looga baahan yahay ciyaartoyada haweenka ah ee ka socda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran

Mudaaharaadyada, ayaa ka dhacay waddooyinka in ka badan 100 magaalo

Heyadaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin badbaadada Rekabi ka dib markii ay dooratay inay tartanto xijaab la’aan.

Rekabi waxay ku celisay sharraxaad hore loogu soo dhejiyay akoon Instagram-ka magaceeda ku qoran oo ku tilmaantay in aanay xirnayn xijaab “mid aan ula kac ahayn”,lamana oga talaabada ay Dowlada Iran ka qaadi doonto  haweeneydan.

Go’aanka Rekabi ee ah ineysan xiran xijaabka inta uu socday tartanka ayaa yimid iyadoo mudaaharaadyo ka dhashay xirashada xijaabka ay dalkaas ka bilowdeen 16kii Sebtember ka dib markii ay gacanta booliska ku dhimatay haweeney 22 jir aheyd oo la oran jiray Mahsa Amini sababo la xiriira iney xijaabka u qaadatay siyaabo aan habooneyn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment