Odinga oo isbeddelay kuna dhowaaqay go’aan cusub

Bulsha:- Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto oo maanta ka dhaceysa garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.

Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in William Ruto uu ku soo baxay doorasho aan ‘xor iyo xalaal aheyn”, sida uu hadalka u dhigay.

Bayaan uu soo saaray ayuu Odinga ku sheegay in uu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka ugu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn caleemo-saarka Ruto uu yahay in guddiga doorashada “aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas”

“Sababahaas daraadood natiijadii doorashada waa mid aan la garaneyn” ayuu yiri ninka laga adkaaday ee Raila Odinga.

Waxa kale oo uu sheegay in marka uu dalka kusoo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbaheysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada kale ee xigta.

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya, oo kasoo horjeestay William Ruto.


Si kastaba, caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa qabsoomaya maanta, waxaana ka qaybgalaya madax kala duwan oo ka socda Qaarada Africa iyo caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment