Erdogan oo ku eedeeyey dalka Greece inay 'qabsatay' jasiirado militariga ka caaggan

Bulsha:-  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Sabtidii ku eedeeyay dalka Giriigga in uu qabsaday jasiirado ku yaal badda Aegean kuwaasi oo ka caaggan militariga, waxaana uu sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay in uu sameeyo “waxa lagama maarmaanka ah” marka uu waqtigaasi yimaado, sida uu hadalka u dhigay.

Turkiga iyo Giriigga oo aad u loollama, islamarkaana ka wada tirsan isbahaysiga NATO ayaa isku haya arrimo ka bilaabanaya duulimaadyada aagga lagu muransan yahay, maqaamka jasiiradaha Aegean ilaa xuduudaha badda iyo kheyraadka hydrocarbon ee badda Mediterranean, iyo sidoo kale qeybinta qowmiyadda ku saleysan ee Qubrus.

Ankara ayaa dhowaan ku eedeysay Athens in ay hubeyneyso jasiiradaha Aegean-ka ee militariga ka caaggan, iyadoo Athens ay eeddaasi iska fogeysay, laakin Erdogan ayaan kol hore Greece ku eedeyn in ay jasiiradaha qabsatay.

“Qabsashadaada jasiiradaha nama celin doonto. Marka wakhtiga, iyo saacaddu yimaadaan, waxaan samayn doonaa waxa loo baahan yahay,” ayuu Erdogan yiri mar uu hadal ka jeedinayay gobolka koonfureed ee Samsun.


Greece ayaa jawaab ka bixisay eeddan ka timid Turkiga waxaana ay sheegtay in aysan raaci doonin hadallada iyo eedaha aadka looga xumaado ee markasta ka soo yeeraya Turkiga.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment