Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ay la wareegeen deegaanka Booco oo ku dhawaad 50-KM koonfurta uga toosan magaalada Beledweyne.
Sida wararku ay sheegayaan, Dagaal yahanadii Shabaab ee deegaankaasi ku sugnaa ayaa kahor inta aysan ciidamaddan iman isaga cararay goobta, iyadoo aan la soo sheegin wax iska caabin ah oo ciidamaddan ay la kulmeen.
Deegaanka Booco waxey Shabaab maamulayeen 13-kii sano ee la soo dhaafay, waana markii u horeysay ay ciidamadda dowladda gudaha u galaan, iyadoo qabashada deegaankan ay hordhac u tahay tabar darida kooxdan.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hoggaaminayay ciidamadda galay deegaanka ayaa shacabka ugu baaqay iney kaalin ka qaataan sidii Shabaab hal meel looga soo wada jeesan lahaa, maadaama caqabad ay ku yihiin nolosha iyo horumarka dalka.
Si kastaba, Al shabaab deegaanka Booco waxa aay u aheyd fariisin muhiim maxaa uga furnaa Maxkamad waxaana la tilmaamaa inay sidoo kale aheyd goobaha ay kasoo abaabulaan Qaraxyada iyo dilalka aay gobolka Hiiraan ka geeysan jireen Al-Shabaab.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment