Boqor Salmaan oo wiilkiisa Maxamed u magacaabay Ra'isul Wasaaraha Sacuudiga

Bulsha:-  Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis ayaa wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada, halka wiilkiisa labaad Amiir Khalid uu u magacaabay wasiirka gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

Isku shaandheyntan ayaa wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da'da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.


Mas’uul ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in xilka cusub ee Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid la jaan qaadaya shaqooyinkii iyo masuuliyaddii hore ee boqorka oo ay ka mid yihiin inuu Boqortooyada u matalo booqashooyinka dibadda iyo shir-guddoonka shirarka ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.

Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment