ATMIS oo bedeshay aragtidii ay ka haysatay ciidamada DF kadib kacdoonka billowday

Bulsha:- Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo qoraal kasoo saaray guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ciidamada dowladda ku bogaadiyey geesinimada ay muujiyeen.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay soo bandhigeen awooddooda taasoo suuragal ka dhigtay inay kooxda Al-Shabaab kala wareegaan deegaano ay gacanta ku hayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadaan ay muujineyso in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga dalka, islamarkaasna ay guud ahaan dalka ka saaraan kooxda Al-Shabaab.

“ATMIS waxay ku adkaysanaysaa in ciidan Soomaaliyeed oo si xirfadaysan u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay runtii yihiin kuwo wax ka beddelay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay ATMIS.

ATMIS ayaa sanado badan sheegi jirtay in ciidamada Soomaaliya aysan lahayn awood ay kula wareegaan amniga dalka, waxaana hadda muuqata in mowqifkooda uu isbeddelay.

Sida ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejin doonaa guud ahaan amniga dalka marka la gaaro dhammaadka sanadka 2024, iyadoo ay dalka isaga bixi doonaan guud ahaan ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan haysata ciidamo aad u tababaran oo la carbinayay shantii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale illaa shan kun iyo dheeraad askari ayaa haatan Eritrea lagu tababaray, kuwaas oo aan weli dalka lagu soo celin.


Kooxa Al-Shabaab ayaa hadda gacanta ku hayso deegaano dhowr ah, lamana yaqaano natiijada ka dhallan karta kacdoonka hadda socda ee ka dhanka ah kooxdaan.

Howlgalka AMISOM ee ee hadda loo bixiyey ATMIS ayaa muddo 15 sano ah ku guuleysan waayey inay dalka ka saaraan kooxda Al-Shabaab, waxaana muuqata in kooxda ay weli heysato awood militari oo aan la dhayalsan karin.

ATMIS ayaa lagu dhaliilaa inay Soomaaliya u joogaan oo kaliya inay ku qaataan lacagta tirada badan ee ay Reer Galbeedka ku bixiyaan amniga Soomaaliya, ayada oo 20,000 askari ee howlgalka uu 15 sano ka adkaan la’yahay Al-Shabaab oo lagu sheego 5 kun oo dagaalyahan. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment