Xog: Madax goboleedyada oo laba sabab darteed uga soo horjeestay golaha wasiirada

Bulsha:-  Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madax goboleedyada oo inta badan soo dhoweyn jiray ama hambalyeyn jiray isbeddelada siyaasadeed ee waa weyn ee dalka ka dhaca, ayaa illaa hadda ka aamusan magacaabista golaha wasiirada, taasi oo sida aan xog ku helnay, astaan u ah qanaaco la’aantooda.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in madax goboleedyada ay ka careysan yihiin inaan laga talo-gelin wasiirada ka imanaya deegaanadooda, halka qaarkoodna loogu daray in lasoo magacaabay rag ay siyaasad ahaan aad isu diidan yihiin.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa dhaliilsan inaan wax talo ah laga siin xubnaha matalaya deeganadooda, halka Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay usii dheertay in xilal sare loo dhiibay siyaasiyiin aysan is arki karin. 

Qoor Qoor ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka looga dhigay wasiirkii hore ee amniga maamulkiisa Axmed Macallin Fiqi, oo ah nin ay dagaal ku kala tageen, oo aad uga weerarayey warbaahinta tan iyo markii uu xilka Galmudug ka tegay . 

Lafta-gareen waxaa wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta looga dhigay Mukhtaar Roobow, oo aad uu uga cabsanayey in xabsiga laga soo daayo, iskaba daa in laga dhigo wasiir federaal. Farmaajo ayaa Roobow xabsi u geliyey, islamarkaana dad shacab ah Baydhaba ugu laayey inuu madaxweyne ka dhigo Lafta-gareen. 

Saciid Deni ayaa isna la rumeysan yahay inuu ka xun yahay xilka loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyo labada nin, halka qaarna ay leeyihiin inuusan dagaal ka dhaxeyn, balse Deni uu diidan yahay kaliya inaan lagala tashan.  


Ma cadda haddii qanacsanaan la’aanta madax goboleedyada ay ka tarjumi doonto inay ka qeyb-galaan ololaha socda ee ay wadaan xildhibaanada xilalka waayey, si aan xukuumadda loo ansixin, ayada oo la rumeysan yahay inay baarlamanka ku jiraan xildhibaano badan oo ku xiran madax goboleedyada. 

Golaha wasiirada oo ka kooban 76 ayaa 43 ka mid ah ama 56% ay yihiin xildhibaano, waxaana wasiir kasta loo diray inuu keeno ugu uaraan saddex xildhibaan oo ku beel ah oo codka siiya. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment