Wararkii ugu danbeeyey ee weerarka hotel Xayaat

Bulsha:- Tirada dadka ku dhintay weerar saacado badan socday oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hotel ku yaalla Muqdisho ayaa waxa ay gaartay 13 qof, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay taliye ka tirsan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

“Waxa aan helnay war ah in shan qof oo kale la xaqiijiyay in ay dhinteen taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13 qof oo rayid ah oo ku dhintay weerarka ay qaadday argagixisadu,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir u sheegay AFP.

Ibraahim Ducaale oo ah sarkaal ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale AFP u xaqiijiyay in dhimashadu ay ka badan tahay toban qof, laakin waxa uu sheegay in booliisku uu faafin doono xogta rasmiga ah marka la soo afjaro weerarka lagu qaaday hoteelka Xayaat.

Waxa uu sheegay in la soo badbaadiyay dad u badan rayid oo ku sugnaa hotelka markii weerarka rasaasta iyo qaraxyada isugu jira ay dagaallamayaasha Al-Shabaab hotelka weerareen fiidnimadii Jimcaha.

“Ciidamada ammaanka ayaa ku dhawaaqi doona marka howlgalka la soo afjaro, waxa uu qaatay waqti dheer maxaayeelay howsha badbaadinta ayaa aad u adkeyd,” ayuu Ducaale u sheegay AFP.

Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac ayaa sheegay in cisbitaalkiisu uu daweynayo ugu yaraan afartan qof oo ku dhaawacmay weerarka hotelka iyo qarax kale oo miino oo isna ka dhacay qeyb kale oo ka mid ah caasimadda.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment