Walaaca laga qabo in masiibo weyni ka dhalato, weerarada lagu qaaday agagaarka wershed nukliyeer oo ku taalla Ukraine

Bulsha:- Ruushka ayaa markale gantaallo iyo madaafiic ku garaacay meel u dhow wershedda tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine, waxaana masuuliyiinta dalka Ukraine ay sheegayaan inuu weerarkaasi geystay khasaare xooggan, iyaga oo ka cabsi qaba in haddii duqayntani ay gaadho dhismaha wershedda, inay keenayso inuu faafo shucaaca tamarta Nukliyeerku.

Badhasaabka gobolka Dnipropetrovsk Valentyn Reznichenko ayaa sheegay in duqayntan oo dhacday xilli habeenimo ah ay sababtay inay koronto la'aan noqoto qaybo ka mid ah magaalada Nikopol oo qiyaastii 10 KM u jirta wershedda tamarta ee Nukliyeerka, iyada oo sidoo kale ay gantaalladu waxyeello u geysteen illaa toban guri oo ku yaalla magaalada Marhanets oo Iyana u dhow isla magaaladan.

Magaalada Zaporizhzhia oo qiyaastii 40 kiilo mitir u jirta xarunta wershedda tamarta nukliyeerka ayaa sidoo kale la weeraray, iyadoo xubin ka tirsan golaha deegaanka Anatoliy Kurtev uu sheegay in laba qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Agaasimaha hay’adda caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada, Rafael Mariano Grossi ayaa sheegay in masuuliyiinta Ukraine ay u sheegeen in dhammaan hannaanka badbaadada ee wersheddu inuu yahay mid bedqaba oo sii shaqaynaya, isla markaana aanay jirin korodh ku yimi heerka shucaaca.


Grossi waxa uu sheegay in Ukraine ay sheegtay in dhammaan cabbiraadaha shucaaca ay ku jireen xad caadi ah mana jirto wax calaamad ah oo muujinaya in hannaanka kaydku uu debedda u saarayo ama liig garaynayo, shucaaca ku kaydsan. Hase ahaatee waxay saraakiishu si gaar ah uga walaacsan yihiin nidaamyada qaboojinta ee tamarta nukliyeerka ee warshadda, haddii cilladi ku timaaddo nidaamka qaboojinta waxay sababi kartaa halis ka dhalata shucaaca nukliyeerka ee kaydsan.

Kiniinnada Iodine ayaa la siiyay dadka deggan agagaarka warshadda Zaporizhzhia haddii ay dhacdo inuu shucaacu soo gaadho.

Grossi ayaa sheegay in duqeymaha joogtada ah ee ka socda agagaarka warshadda inay weli tahay halis weyn, iyadoo labada dal ee Ruushka iyo Ukraine uu midba midka kale ku eedaynayo duqeynta agagaarka ka socota agagaarka xarunta. Warshadan ayaa waxaa gacanta ku hayay Ruushka tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen dalka Ukraine lix bilood ka hor, balse waxaa ka shaqeeya injineero u dhashay dalka Ukraine.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment