Wadahadaladii hubka Nukliyeerka ee Iran oo markale dib uga furmaya Vienna

Bulsha:- Dalalka Iran, Maraykanka iyo ururka Midawga Yurub ayaa Arbacadii sheegay inay wakiillo u diri doonaan magaalada Vienna, si dib loogu soo nooleeyo wadahadaladii hubka Nukliyeerka ee dalka Iran, gaar ahaan heshiiskii la gaadhay sannadkii 2015.

Illaa haatan ma cadda inay shirkan ka soo qaybgeli doonaan dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa heshiiskii la gaadhay sannadkii 2015, sidoo kale ma cadda in wax horumar ah laga sameeyey wadahadaladii u dhexeeyey Maraykanka iyo Iran ee ka dhacay dalka Qatar.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Midawga Yurub oo shirguddoomiyey wadahadallada oo lagu magcaabo Enrique Mora ayaa sheegay in wadahadahadalka soo socda diiradda lagu saari doono qabyo tirka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii ugu dambeeyey, halka ergeyga dawladda Iran u qaabilsan wadahadalada hubka Nukliyeerku uu sheegay inuu u tegayo dalka Austria si loo horumari wadahadaladii hore ee socday.


Ergeyga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan wadahadalada hubka Nukliyeerka ee Iran Rob Malley ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu isku diyaarinayo in uu u safro Vienna si uu wadahadal uga qaybgalo wadahadalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment