Taliban oo dagaalyahanadeedii hubaysnaa dib ugu celinaysa dugsiyada waxbarashada

Bulsha:- Xubno badan oo ka tirsanaa garabka hubaysan ee ururka Taliban ayaa haatan bilaabay inay dib ugu laabtaan dugsiyada waxbarashada, iyaga oo qaarkood ay si iskood ah u doorteen, halka qaar kalena ay ku amreen saraakiishoodu, inay iska xaadiriyaan goobaha waxbarashada.

Gul Agha Jalali oo 23 jir ah, wuxuu ahaa xubin ka tirsan garabka hubaysan ee Taliban, wuxuu habeenkii oo dhan ku mashquulsanaan jiray inuu dhulka ku aaso miinooyinka iyo qaraxyada kale, isaga oo rajaynayey inuu bartilmaameedsado laamaha ammaanka ee dawladdii Afghanistan ama ciidamadii huwanta ahaa ee dalkaas ku sugnaa.

Gul Agha Jalali haatan wuxuu goob waxbarasho ka bartaa luuqadda Ingiriisida iyo cilmiga computer-ada.

“Markii ay wadankeena gaaladu qabsatay, waxaan u baahneyn inaan adeegsanno qaraxyada, hoobiyeyaasha iyo qoryaha,” ayuu yidhi Gul Jalali oo haatan ka tirsan shaqaalaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Taliban. Gul Jalali ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, inay haatan jirto baahi weyn oo la xidhiidha dhinaca waxbarashada.

Tan iyo markii uu ururka Taliban dib ula wareegay talada dalka Afghanistan, bishii Ogosto ee sanadkii hore, boqolaal dagaalyahano ah ayaa ku soo laabtay iskuulada – kuwaas oo qaarkood ay si iskood ah ugu soo laabteen, halka qaarkalena ay taliyayaashoodu dabada ka soo riixeen.

Erayga "Taliban" oo ah kelmed carabi ah ayaa dhab ahaantii macnihiisu yahay "arday", iyada oo ururka Taliban uu markii hore ka soo unkamay goobo waxbarasho oo ku yaalla Koonfurta Afghanistan.


Inta badan dagaalyahanada Taliban ayaa wax ku bartey madrasadaha ku yaalla Koonfurta Afghanistaan, kuwaas oo aqoonta lagu barto ay ku kooban tahay shareecada Islaamka iyo Quraanka Kariimka ah.

Wadaado badan oo ka tirsan ururka Taliban ayaa ka shakisan waxbarashada casriga ah, marka laga reebo kuwa la xidhiidha dhinaca farsamada sida Injineernimada, dhakhtarnimada iwm.

Hase ahaatee Jalali oo muddo shan sano ah miinooyin aasayey ayaa leh “Dunidu waa horumaraysa, waxaan u baahanahay tignoolajiyada iyo horumarka,". Jalali ayaa haatan ka mid ah daraasiin Taliban ah oo kumbuyuutarrada ka barta goobt ku taalla wasaaradda gaadiidka.

Machadka Muslimiinta ee Kabul waxaa dhigta arday gaadhaysa ilaa 3,000 oo arday -- kala badh ka mid ahi waa dumar -- waxaana ku jira ilaa 300 oo dagaalyahanno Taalibaan ah, kuwaas oo marka la arko lebiskooda iyo gadhka weyn ee ay la baxeen, ay kaga soocan yihiin ardayda kale ee ay isku fasalk yihiin.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment