Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay illaa 240 qof oo u dhashay Britian oo ay ku jiraan siyaasiyiin xilal sare haya

Bulsha:- Ruushka ayaa sheegay inuu cunaqabatayn ku soo rogay siyaasiyiin sar sare iyo dad caan ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay shaqaynayaan falal “shaydaannimo” oo ka dhan ah dalka Ruushka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka ayaa sheegtay in illaa 39 qof oo u dhashay dalka Britain in laga mamnuucay inay soo galaan dalka Ruushka, kuwaas oo ku biiri doona in ka badan 200 oo qof oo u dhashay dalka Britian oo ay Moscow hore ugu soo rogtay xayiraado kala duwan.

Shakhsiyaadka ku jira liiska dadka laga mamnuucay inay u safraan dalka Ruushka waxaa ka mida, hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Keir Starmer, ra’iisal wasaarihii hore David Cameroon iyo weriyaha caanka ah ee Piers Morgan.

Dowladda Britain ayaa si weyn u taageerta Ukraine tan iyo markii uu Ruushku weerarka ku qaaday dalkaasi, dhamaadkii bishii February. Inta badan siyaasiyiinta hormuudka ka ah Britain ayaa horay looga mamnuucay inay u safraan Ruushka.


Warbixintan oo ay daabacday VOANEWS, waxaa qaybo ka mid ah laga soo xigtay Reuters and AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment