Maleeshiyada Al-shabaab oo weli ka dhex dagaallameysa hotel Xayaat

Bulsha:- Rasaas goos-goos ah ayaa weliga laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyada oo ciidamada ammaanka ay weli dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaadday hotelkaas ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkan, halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac kasoo gaaray, iyada oo laga soo badbaadiyay tiro kale oo carruuri ay ku jirto.
Ilaa hadda ma cadda tirada maleeshiyada Al-shabaab ee ka dhex dagaallamaya Hotelka.

Weerarkan oo ku biloowday laba qarax oo ka dhacay agagaarka hotelka ayaa waxaa markiibaa sheegtay Al-shabab.


Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa howlgalkan uga warramay Xuseen Barre.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment