Itoobiya oo ka carootay tallaabo ay qaadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ku aadan Tigray

Bulsha:- Dowladda Itoobiya ayaa si xooggan u cambaareysay wakiilada Midowga Yurub iyo Mareykanka oo toddobaadkan booqday gobolka dagaallada ay la degeen ee Tigray, waxayna ku eedeysay inay la safteen mowqifka mucaaradka ee ku aadan wadahadallada nabadda iyo gargaarka.

Wadaxaajoodyada dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kooxda TPLF ayaa la filayaa inay billowdaan, hase yeeshee waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin cidda sameyneysa dhexdhexaadinta.

Ergeyka Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer iyo dhiggiisa Midowga Yurub Annette Weber ayaa toddobaadkan boqoday caasimadda Tigray ee Mekelle, si ay u cadaadiyaan in la billaabo wadahadallada ayada oo Midowga Afrika uu taageerayo.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in lasoo celiyo adeegyada aasaasiga ah iyo in gobolka iyo gobollada Afar iyo Amhara loo ogolaado inay galaan gargaarka.

Hase yeeshee, Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa muujiyey sida ay dowladda “uga niyadjabsan tahay” tallaabada ay qaadeen labada ergey.

“Kooxdan waxay ku guuldarreysteen inay cadaadiyaan ballanqaad cad oo ku aadan wadahadallada nabadeed, balse waxay taas beddelkeeda u dhaqmeen inay qanciyaan oo ay fuliyaan shuruudaha dhinaca kale,” ayuu yiri.

“Marka ay noqoto soo celinta adeegyada aasaasiga ah, rabitaanka dowladda waa la xaqiijiyey, sida lagu fulin karana waa lagu celceliyey oo ah in la abuuro xaalad iyo muuqaal nabadeed iyadoo la billaabayo wadahadallada."

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyasada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta, ayada adeegga bankiyada uu xadidan yahay.


Bayaan ay soo saareen Talaadadii ayey diblomaasiyiinta Mareykanka iyo Midowga Yurub ku dalbadeen gargaar aan xanibaad lahayn oo la gaarsiiyo gobollada Tigray, Afar iyo Amhara, waxayna ugu baaqeen dowladda inay qaaddan xanibaadda shidaalka iyo lacagta kaashka ah ee saaran gobolka.

Hase yeeshee Redwan ayaa ku gacan sayray baaqa wuxuuna sheegay in arrintaas mar hore wax lag qabtay.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa horey uga digay inay qasab tahay in adeegyada aasaasiga ah lagu soo celiyo Tigray, lana qaado “xayiraadaha” kahor inta aanay wadahadallo billaaban karin.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment