Golaha wasiirada oo beri la horgeynayo golaha shacabka

Bulsha:- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay maalinta berri oo Axad ah inuu jiro Kulanka Golaha Shacabka ee ah cod u qaadista kalsooni siinta Golaha Wasiirada magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hortagi doona Golaha Shacabka si uu u weydiisto codka kalsoonida iyo barnaamijka Xukuumaddiisa ayuu ka hor akhrin doonaa.

Si kastaba, Waxaa saacadihii u dambeeyey sii xoogeystay kulamada golaha magacaaban ee wasiirrada Soomaaliya ay la yeelanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, si ay u weydiistaan codkooda kalsoonida.

Wasiirrada ayaa beel – beel ula kulmaya xildhibaanada, si wasiir kasta uu xubnaha beeshiisa ku metela baarlamaanka uu ugu qanciyo inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment