Wararkii u dambeeyay xaaladda xildhibaan Ilhaan Cumar oo wali u xiran dowladda Mareykanka.

Bulsha:- Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.

Qoraal ay barteeda Tweetar-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.

“Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar-ka.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congreska Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto inay haweenka Mareykanka helaan xaq ay caruurta isaga soo ridi karaan. “Waxaan sii wadi doonaa inaan sameeyo wax kasta oo aan awoodo si aan u kiciyo qaylo dhaanta ku saabsan weerarka lagu hayo xuquuqdeena dhanka taranka!”, ayay intaa ku dartay.

Muuqaal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa la arkayay Ilhaan Cumar iyo xildhibaano kale oo iska dhigaya sida in garba-duub loo xiray islamarkana dibadbax ka dhigaya afafka hore ee maxkamada sare.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee sida wayn ugu ololeynaya in dumarka xaq loo siiyo in ay ilmaha iska soo ridaan. Booliska Mareykanka ayaa dhankooda xaqiijiyay inay xireen 35 qof oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan aqalka Congress-ka. “Bannaanbaxayaashu waxay billaabeen inay xannibaan waddada First Street, NE. Waa sharci-darro in la xannibo gaadiidka, markaa askartu waxay bixiyeen saddex digniinood ka hor inta aysan billaabin inay xiraan,” waxaa sidaasi ku soo qoray Twitter-ka Booliiska.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment