WAR DEG DEG: Villa Somalia oo kala caddeysay haddii ciidanka jooga Eritrea ay ka qeyb-galeen dagaalka Tigray

Bulsha:- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysya tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si rasmi ah uga hadashay in ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea ay qeyb ka noqdeen dagaalkii Itoobiya ee Tigray.

Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha madaxtooyada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya.

“Warkaas waa ku-tiri-kuteen, war si rasmi ah oo dowladda kasoo baxay ma ahan, ciidamadaas tababarka waa dhameysteen waana 5 Kun oo askari, dhawaan ayaa lagu soo celinayaa dalkooda si ay u gutaan waajibaadka loo soo tababaray,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Waxa uu sheegay in shanti kun ee askari ee “la la’aa” la helay, madaxweynuhuna kasoo warramay, guddiga waalidiinyta askartaas uu la kulmay.

Warka kasoo baxay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya warar muddooyinkii dambe la isla dhex-marayay oo ku saabsanaa in ciidamadaas ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya ee dhex maray dowladda dhexe iyo xoogga Tigray-ga.

Warbixin kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in ciiddan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigray-ga ee Itoobiya.

Warbixintaas ayaa lagu xusay in Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha ay soo gaareen warbixin iyo warar sheegaya in ciiddanka Soomaalida ee tababarka milliteri u joogay halkaasi laga qaaday xeradii tababarka lana geeyey Jiidda hore ee dagaalka ee gobalka Tigrayga, waxayna Ciiddanka Soomaalida oo ay wehliyeen milliteriga Eritrea ka gudbeen xuduudka dalka Itoobiya.


Sidoo kale, doorashada madaxweynaha Soomaaliya ka hor siyaasiyiinta mucaaradka oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda la doortay ayaa si weyn u faafin jiray in ciidankaas loo isticmaalay dagaalka Itoobiya, balse waxaa hadda muuqata in arrintaas ay aheyd wax la xiriirta siyaasad iyo olole doorasho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan tagay dalka Eretariya ayaa la kulmay ciidamada tababarka ku dhameystay dalkaas, wuxuuna markii uu Muqdisho kusoo noqday qaabilay waalidiinta ilmahaas isagoo u ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dalkooda loogu soo celin doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment