Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Bulsha:- Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Maanta inay bur bureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI.

Shir jaraa’id oo ay Maanta siwadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uu mas’uul ka yahay inay bur buraan wada-hadallada Xukuumadda iyo mucaaradka.

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad kujiray ay wax ka weeydiiyeen gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo guurtada, balse ay u sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, isla markaana uu u sheegay in uu sharci ku taagan yahay.

Waxaa ay ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan heyn cid katirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay , balse kaliya uu isku heysto in wixii uu sheego ay sharci yihiin.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in Xukuumadda madaxweyne ee waqtigeeda uu dhamaaday ay tahay waxa ay waddo mid sharci darro ah, isla markaana ay ku doodayaan waxyaabo aan suurto-gal aheyn.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment