Ruushka iyo Ukraine kala saxiixanaya heshiiska dib loogu soo celinayo dhoofinta qamadiga

Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Jimcaha maanta ah ay Ruushka iyo Ukraine magaalada Istanbul ku kala saxiixa doonaan heshiis oggolaanaya in dib loo furo dekadda Odesa ee Badda Madow ee dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in dib loo billaabo dhoofinta malaayin tan oo qamadi ah oo muddo bilooyin ah ku xayiran dekadaha Ukraine.

Dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa hakad u galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine dhamaadki bishi Febraayo ee sannadkaan. Taasi waxay keentay qalalaaso ku yimid cuntada adduunka, gaar ahaan qamadiga, burka iyo rootiga.



Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka noqon doona, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo madaxda Turkiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment