Madaxweyne Lafta-Gareen oo sheegay in dalka uu galay gumeysi qarsoon.

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad weyn oo lagu xusayay 62 sano guuradii ka soo wareegatay markii gobolada Koofureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga isla amr ahaantaasina ay israaceen Waqooyi iyo Koofur.

Munaasabada oo ka dhacday magaalda Baydhabo ayaa khudbad uu ka jeediyay Lafta-Gareen waxa uu si cad ugu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay marxalad adag gashay, isla markaana uu dalka kujiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay, ma sheegin meelaha laga soo maleegayo gumeystahaas.

Madaxweyne C/Casiis Lafta-Gareen oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneyso jeediyay waxa uu sidoo kale sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, isla markaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyaga oo usoo maleegaya dhibaatooyin kala duwan.


Si kastaba, Xalay inta badan magaalooyinka dalka waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo, iyadoo shacabka ay la hadlayeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo saacadu markey eheyd saqdii dhexe calanka salaam loo saaray,.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment