Tartan Quraan oo ay illaa 20 dal ka qaybgelayaan oo Maraykanka ka furmay

Bulsha:- Khamiistii shalay ahayd, waxaa magaalada Lanham ee gobolka Maryland ee ku taalla duleedka maagalada Washington DC ka furmay, Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo heer caalami ah, kaas oo ay ka qeybgalayaan dhalinyaro isaga kala yimid ku dhawaad 20 waddan oo caalamka ah.

Tartankan ayaa ah kii ugu horreeyay oo noociisa oo kela ah oo abid lagu qabto Mareykanka. Waxaa marti geliyay masaajidka Turkiga ee Diyanet Center ee gobolka Maryland, waxaana ka qeybgalaya ilaa 25 dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Lix ka mid ah dhalinyaradan ayaa ah Soomaali.

Haddaba, faah faahinta tartankan Qur'anka Kariimka ayaa wariyaha VOA-da, Cabdulqadir Maxamed Mursal uu ka wareystay, Sheekh Cabdinasir Maxamed Farax oo ka mid ah qaban qaabiyaasha tartanka.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment