Shiinaha oo doonaya inuu dalalka Geeska Afrika ka caawiyo nabadaynta iyo soo afjaridda khilaafaadka

Bulsha:- Ergeyga gaarka ah ee dalka Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalalka gobolka Geeska Afrika hawlaha nabadaynta iyo sidii meesha looga saari lahaa, waxa uu ugu yeedhay, faro-felinta lagu hayo dalalka gobolka.

Xue Bing ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulanka u dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada gobolka Geeska Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ka qaybgaleen illaa lix dal, kaas oo ah kulankii ugu horreeyey ee ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha nabadda, maamulka dawliga ah iyo horumarinta.

Xue Bing ayaa sheegay in qalalaasaha iyo kala qayb-sanaanta gobolka ka taagani inay sii kordhayso, wuxuuna xusay inay haatan dib u soo cusboonaatay aragtidii dagaalka qabow iyo loollaankii quwadaha caalamka ee ku aaddan gobolkan, iyada oo ay arrintaasi caqabad ku noqotay in horumar laga gaadho nabadda iyo horumarinta gobolka.

Inkasta oo dalka Shiinuhu uu muddo dheer saaxiib ganacsi la ahaa wadamada Afrika, haddana tallaabadan uu haatan qaaday waa tii ugu horraysay ee u muuqata in dalka Shiinuhu uu danaynayo inuu farogelin ku sameeyo siyaasadaha ka socda wadamada Afrika, taas oo u muuqata in isbedel weyni ku yimi siyaasaddii arrimaha debedda ee Shiinaha.


Ergeyga Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika ayaa sannadkii hore wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha debedda ee dalkiisa ee ku aaddan arrimaha nabadda iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika inay diiradda saarayso xaqiiqada haatan jirta iyo waayo-aragnimadii hore, iyada oo ujeedaduna ay tahay in dalalka gobolka laga caawiyo sidii ay uga takhalusi lahaayeen farogelinta debedda.

VOANEWS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment