Shakiga Ka dhashay Labo Arin Fahad Yaasiin Ka sheegay Kiiska Ikraan Tahliil

Bulsha:- Wareysiga uu bixiyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu kaga hadlay Arinta Kiiska Ikraan Tahliil oo xasaasi ahaa ayaa fal celino badan ay kasoo laabanayaan,marka la qiimeeyo dhiiranaanta hadalkiisa iyo cadeymaha uu sheegay inuu hayo.

Qeybta 3aad Wareysiga Fahad ee kiiskaan waxa uu daah rogay arimo culus oo ay madaxda qaar bar kuma taal ku noqon doonto hadii aysan iyaguna la imaan waxyaabo lagu qanci karo oo ay iskaga fogeyn karaan.

Shakiga ka dhashay hadalkaas iyo run ahaanshiyaha loo tiirin karo warka fahad ayaa ah sababta Mahad Salaad keentay inuu doorto Hay’ada NISA uusan xitaa weli kasoo shaqeynin.

Fahad Yaasiin waxa uu sheegay in labo dal ay qeyb ka qaateen shirqoolka Sarkaalad Ikraan lagu khaarajiyey inkastoo uusan magacaabin,balse waxaa durba la fahansan yahay in Kenya iyo Imaaraadka carabta ahaayeen.

Shakiga kale ee ka dhashay warka Fahad ayaa ah sababta Imaaraadka carabta udalbadeen in Safiirka Soomaaliya Ee Dalkooda loogu magacaabo Engineer Maxamed Xuseen Rooble.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa eeda uu dusha uga tuuray Al cadaala,Mahad Salaad iyo Rooble ee ah inay ka qeyb qaateen dilka Ikraan Tahliil ayaa ceeb iyo fadeexad ku noqon karta Mas’uuliyiintaan,hadii aysan si deg deg ah uga jawaab celin eedaasi.


Waxa uu Fahad sheegay in 10% keliya uu soo gudbiyey macluumaadka uu hayo ayna ka badan yihiin inta uu hayo isagoo ku goodiyey in Maxkamad hadii looga yeero uu tegi doono cadeymaha uu hayana soo bandhigi doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment