Rooble oo qaabilay taliye ku-xigeenkii NISA ee ay isku dhaceen Farmaajo iyo Fahad

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA General Cabdalla Cabdalla Maxamed oo uu horey shaqo joojin ugu sameeyey taliyihii hore ee hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Inkastoo xafiiska ra’iisul waaaraha uusan wax faahfaahin ka bixin kulankaas, haddana Cabdalla Cabdalla oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble uga mahadcelinayo qaabilada uu u sameeyey iyo inuu mar kale dalka dib ugus oo dhaweeyey.

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta igu qaabilay xafiiskiisa, si rasmi ahna iigu soo soo dhaweeyay inaan dib ugu soo laabtay dalkayga Hooyo, waxaana u rajaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan, runtii ra’iisul wasaare Rooble waa badbaadiyaha qaranka, wuxuu khatar badan usoo galay in dalkaan doorasho ka dhacdo si nabad ah, wada ogol ah, xilkana lagu kala wareego si nabdoon,” ayuu Cabdalla Cabdalla ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey 

Cabdalla Cabdalla oo ahaa taliye ku xigeenkii koowaad ee hey’adda NISA iyo Taliye ku-xigeenkii kale ee hay’adaas Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo Jaamac ku magac-dheer ayaa labadaba xilka laga qaaday kadib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Dowladdii hore ma sheegin sababta xilka looga qaaday Cabdalla Cabdalla, isagana wareysii uu siiyey VOA markii xilka laga qaaday kadib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday.

Xubinimada NISa oo laga saaray


War qoraal ah oo 01-09-2018 kasoo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hoggaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqeynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay’adda, ayuu carabka ku dhuftay hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee Dowladda Federaalka, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in go’aanka Cabadalla Cabdalla looga saarey Hay’adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay sida hadalka loo dhigay qaladaadkii uu wareysiga ku galay.

Si gaar ah, waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xubinnimadiisa Hay’adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay’adda NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyihiin gudaha Hay’addaan xubno kuwaasoo si dhow ula shaqeeya una gudbiyay xogta dowladda.

Darajooyinkii ciidan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa 09 September sanadkii 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu xilligaas ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment