Maxaa ka jiro in la weeraray hoyga taliyihii NISA Fahad Yaasiin?

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiil ka socotay taliska guud ee NISA oo saaka tagtay hoyga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ku dhex yaala xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, Illaa 30 askari oo ka tirsan Ciidanka NISA iyo labo gaari dagaal oo aheyd ilaalada gaarka ah ee hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan xarunta Taliska NISA, kaddib amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Askartan ayaa saaka waxaa u tagtay saraakiil kuwaasoo u sheegtay fariinta ah iney deg deg u soo xaroodaan, taasoo keentay iney durba fuliyaan amarka taliyaha cusub ee NISA waxeyna deg deg u tageen xarunta hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Warka ku saabsan in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ayaa ah mid aan waxba ka jirin, balse kaliya uu ahaa amar Taliska ka soo baxay oo lagu amray in Ciidamada ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin Ilaalada Taliyaha.



Fahad Yaasiin ayaa haatan dalka ka maqan isagoo wadanka Turkiga u dhoofay maalin kahor xil wareejinta madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, qorshaha ayaa ah in Fahad loo reebo ilaalo lamid ah kuwa ay haatan heystaan taliyayaashii NISA soo maray oo ay lamid yihiinSanbaloolshe iyo Tuuryare oo kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment