Madaxweyne Deni oo sheegay inaan lagala tashan magacaabista ra’iisul wasaare Xamse.

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu kala tashan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda deegaanada Jubaland.

madaxweyne Siciid Deni oo walaac arintaasi ka muujiyay ayaa sidoo kale cabasho ka keenay sida uu u dhaqmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud markii uu magacaabayay Ra’iisul wasaaraha, isagoo ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa guusha doorashadii 15-ka May ka dhacday teendhada Afisyooni.

Hadalkan waxa uu Deni ka sheegay kulan Qado ahaa uu shalay magaalada Garoowe ugu sameeyay xildhibaanada Puntland oo uu kala hadlayay xaaladda guud ee Puntland iyo halka ay tahay in laga aado isbedelka cusub uu dalka galay.

Si kastaba, Deni ayaa ku guul dareystay laba isku day oo midi ahaa in loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha ama in qof ka soo jeeda Puntland oo uu isaga keensaday loo dhiibo jagadaas, Siciid Deni wuxuu kaloo ku fashilmay inuu qabto jagada ugu sareysa dalka, maadaama musharax madaxweyne oo wareegii koowaad codad badan uga soo gudbay ahaa.


Lama oga in madaxweynaha maamulka Puntland uu banaanka keeni doono khilaafka ugubka ah ee kala dhexeeya madaxweynaha dalka, iyadoo Xasan Sheekh uu ka feejignaa inuu xilkaasi u dhiibo qof uusan garaneyn, wuxuuna doonayaa inuu ka weecdo wadadaii sanadihii 2012 ilaa 2017 oo uu soo magacaabay saddex ra’iisil wasaare.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment