Kulankii golaha shacabka oo baaqday iyo Sh.Aadan Madoobe oo digniin culus diray.

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu baaqday kulan ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku lahaayeen xildhibaanada golaha shaccabka, kaasoo ajendihiisa ahaa Akhrinta Xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha.

Sida wararku sheegayaan, kulanka oo xalay la iclaamiyay ayaa u baaqday Gunti la’aan (Kooram la’aan), taasoo keentay iney xarunta isaga kala dareeraan xildhibaanadii tirada yaraa ee fadhigan soo xaadirtay.

Gudoomiyana golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku dhawaaqay baaqashada kulankan, wuxuuna tilmaamay iney soo xaadirtay oo kaliya 72 xildhibaan, isagoo digniin adag u diray mudanayaasha fasax la’aanta isaga maqan shaqooyinka horyaala ee baarlamaankan 11-aad.

Gudoomiye Sheekh Aadan madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Kulanka uu maanta baaqday , dibna loodhigay , Asigoo tilmaamay in laga dhigay 12, Bishaan oo ku beegan saddex maalin kadib caleema saarka madaxweyne Xasan oo ku asteysan 9-ka bishan.


Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhamaan xildhibaanada ku maqan safarada wuxuu ka dalbaday in ay dalka ku soo laabtaan kulamadana loobaahanyahay in kooramka la soo dhamaystiro, shaqooyinka horyaala xildhibaanada waxaa kamida in la dargar geliyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment