Koofur Galbeed oo digniin culus ka soo saartay shirarka siyaasadeed ee lagu qabto Baydhabo.

Bulsha:- Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa diginin adag ka soo saaray shirarka arrimaha siyaasada la xiriira ee fasax la’aanta loogu qabto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in ay jiraan siyaasiyiin doonayo in ay qalqal geliyaan amniga degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xiligan ay ka jiraan abaaro macluul isu bedelay, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Isxaaq Cabdi  ayaa laamaha Amniga Koofur galbeed faray in ay talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasto oo isku daydo in degaanadasi ay ku qabato shirar siyaasadeed oo aan maamulka koofur-galbeed fasax looga heeysan, isagoo sidoo kale diginin adag siiyay maamulada iskaleh hoteelada lagu abaabulo shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulkooda.

Si kastaba, Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Baydhabo ay ka taagan tahay dood ku saabsa mudada xil heynta madaxweyne C/Casiis Lafta-Gareen, mucaaradkiisa waxey qabaan iney gu egtahay dhamaadka sanadan, balse Lafta-Gareen iyo kooxdiisa ayaa qaba In xafiiska ay ugu egtahay dhamaadka sanada danbe, iyagoo ku darsanaya mudada sanadka ah oo ku kordhisteen oo ay isla dhameysanayaan baarlamaanka.


Arrimahan oo idil waxey ku soo aadeysaa xili shalay magaalada beydhabo uu kaga dhawaaqay in uu yahya musharax u taagan xilka Madaxwaynaha Koofur galbeed Soomaaliya, gudoomiyihii hore ee gobolka Bakool shiine macalin nuurow.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment