islamic republic of Iran oo dayax-gacmeed hawada u dirtay

Bulsha:- Telefishanka qaranka Iran ayaa Axaddii maanta sheegay in Tehran ay hawada u dirtay gantaal, arrintaas oo keentay fal-celin ka timid Maraykanka. Arrintan ayaa imanaysa ka hor wadahadalada la filayo ee laga yeelanayo barnaamijka nuclearka ee Iran iyo quwadaha caalamka.

Ma cadda xiliga iyo goobta gantaalka laga ganay, hase yeeshee shaac-ka-rogidda ayaa timid ka dib makrii satellite-ka laga arkay diyaar garow laga sameynayey xarunta dayax gacmeedyada Khomeini ee ku taalla duleedka gobolka Semnan. Dhowr gantaal oo isla goobtan laga ganay ayaa horay u burburay.

Warbaahinta dawladda ayaa sii daysay sawirro muujinaya markii gantaalku dhulka ka baxayey. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo xiisadda barnaamijka nuclearka ee Iran ay kor u sii kacayso.

Iran ayaa horay u sheegtay inay qorsheynayso tijaabooyin dheeraad ah oo la xiriira gantaalada dayax gacmeedka xambaara, kuwaas oo markii ugu horreysay ay dirtay bishii February ee sanadkii hore.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment