Bulsha:- Hoggaamiyayaasha Muslimiinta ee dhowr gobol oo dalka Mareykanka ah ayaa waxaa maalmahan uga socday magaalada Washington, D.C. kulamo ay la qaadanayeen qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka ee dalka Maraykanka.
Waxyaabaha ugu badan ee laga hadlayey ayaa waxaa ka mid ahaa, arrimaha la xidhiidha islaam nacaybka, la dagaalanka argagixisada iyo inaan muslimiinta loo waxyeellaynin diintooda awgeed.
Haddaba weriyaha VOA Sahra Cabdi Axmed ayaa waraysatay Sheekh Xassan Dhooye oo ah madaxa barnaamijka Jimciyadda AYAANA, oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda muslimiinta Maraykanka.
Halkaan Hoose ka Daawo
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment