Gudoomiyana xisbiga Wadani oo faah faahiyay weerar lagu qaaday Gurigiisa.

Bulsha:- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Xirsi Xaaji Xassan ayaa sheegay in gurigiisa la soo weeraray, isaga oo weerarkan oo loo adeegsaday gaari uu ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga Somaliland.

Gudoomiyaha oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu ka badbaaday sbirqoolkan, maadaama sida uu hadalka u dhigay uu ka maqnaa hoyga xiliga weerarkan qorsheysa lagu soo qaadayay, waxa uu tilmaamay iney noqoneyso markii 3aad oo uu fashilmo isku day lala damacsanaa in lagu khaarijiyo ama la cabsi galiyo hoggaanka xisbigooda.

Dhinaca kalena, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdi qani Maxamuud (Caateeye) ayaa eeddan jawaab ka bixiyay, isaga oo iska difaacay eedaha kaga yimid Guddoomiyaha Xisbiga Wadani oo uu ki sheegay iney yihiin kuwo la buun buuniyay.

Waxa uu sheegay inaanu jirin qorshe lagu talagalay oo lagu weeraray hoyga gudoomiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Xaaji Xassan, isagoo qiray jiritaanka dhacdadan balse waxa uu tilmaamay iney ku timid qadar dhanka Alle ah oo aan eheyn qorshe la sii diyaariyay.


Xukuumada Muuse Biixi iyo axsaabta mucaaaradka ah ee Wadani iyo UCID ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf cirka isku sii shareeray, iyadoo uu salka ku hayo qabashada doorashada madaxweyne oo loo balansan yahah bisha November, walow xukuumadda lagu eedeynayo iney wado dib u dhac hareeya mudada doorashada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment