Diyaarad lay qaban waayeen Lix dowladd oo katirsan NATO duulimaad yaab leh ku dul martay [Warbixin].

Bulsha:- Isbaheysiga NATO ayaa walaac ka muujiyey amniga hawada ee dowladaha dhoco bariga qaarada Yurub, 3 maalin kadib markii diyaarad yar ay isaga kala gudubtay xuduudaha ilaa lix dal ka tirsan isbaheysiga, Taas oo marki danbe ku dagtay garoon ku yaala dalka Bulgaria, waxaana lagu guul dareystay in gacanta lagusoo dhigo dadkii watay diyaaradaasi.
Wargeyska Le Point ee kasoo baxa dalka faransiiska ayaa warbixin ka qoray qaabka ay wax u dhecen, wuxuuna carabka ku adkeyey in diyaaradan oo aheyd mid qadiimi ah ay isaga kala gudubtay xuduudaha ilaa dal katirsan isbaheysiga NATO, waxaana guul dareystay isku dayo ay sameyen dowladaha qaar iyo xitaa miigag dheereya oo ay leedahay dowlada Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga NATO, waxa ay ku guuleysten inay soo helan Masaarka ay ku socotay diyaarada, maadama ay kala socden raadarada, balse waxa ay ku guul dareysten inay wadaha diyaarada ku qasban inuu ka dago garoomadi ay la doonayen, ilaa marki danbe ay ka caga dhigatay garoon laga guuray oo ku yaala dalka Bulgaria, halkaas oo lagu waayey raadka dadki la socday diyaradasi.

Wargeyska ayaa shegay, in waxa ka dhacay bariga qaarada Yurub lagu sifeyn karo mid kamid ah Mugaamaradki ugu waaweyna ee dhacay 10ki sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna amaan kala dul dhacay wadaha diyaarada, kaas oo uu sheegay in falka uu samayey lagu daawan jiray aflamta oo qura, balse aysan jirin cid ku dhiiratay talabadan oo kale.

Falkan waxa uu dahcay 8 bisha June ee lasoo dhaafay, diyaarada isaga gudubtay xuduudaha 6da dal ee katirsan NATO ayaana aheyd nooca loo yaqan Foker ee laba matooreyda ah, sidaas ayayna uga talawday xuduudaha 7dal, marka lagu daro Bulgaria oo aan katirsaneyn isbaheysiga NATO, waxa uuna ku guuleystay Pilot-kan inuu ka dhuunto raadarada ciidanka, ilaa uu ka gaarayay hadafkiisa.

3 dowlad oo dhaca bariga Yurub iyo Mareykanka ayaa iska kaashaday soo qabashada fashilka kusoo dhamatay ee diyaarada, dhacdadan ayaana kusoo aadeysa xilli mandiqada uu ka jiro dagaal u dhexeya Ruushka iyo Ukraine, kaas oo ay reer galbedku dhankooda kaga jiraan, maadama ay garab taagan yihin xukumada Kiev ee uu hogamiyo Madaxweyne Zelensky.

Wadaha diyaaradan, wax macluumaad ah uma dirin dalalka uu duulimadka ku dul maray, taas oo ku saabsan waxa uu sido, Meesha uu ku wajahan yhy, iyo waliba cida kireysatay diyaarada, wuxuuna dansaday dhamanba qalabki isgaarsinta ee kurakibna diyaaradiisa, isagoo ka dhaga adegay dhamanba amaradii ay siiyeen diyaaradihi ciidanka ee loo xil saaray soo qabashadiisa.


Wargeyska Le point ayaa intaas ku daray, in loo badinayo inay diyaaradani kasoo kacday garoon ku yaala dalka Lithuania, iyadoo jog hoose ku duuleysana ay soo dul martay wadanka Poland, mana jirin wax carqalad ah oo ay kala kulantay nidaamka difaaca hawada ee wadankaasi, kaliyana waxaa duulimadkeeda lagu bararugay xilli ay dul mareysay dalka Hungary, wazarada difaca Budapest ayaana markiiba u dirtay laba diyaarad oo ah kuwa dheereya ee loo yaqaan F16, iyadoo aan dhag jalaq u siin ayayna u talowday dhanka Romania, halkaas oo ay kala jaan qaadeen diyaarado dagaal oo ay leedahay dowlada Romania, kuwaas oo ay wehlinayaan laba diyaarad oo ah F-16 oo ay leedahay dowlada Mareykanka, kuwaas oo mandiqada u joogay howla tababar, lkn iyaguna kuma guuleysan inay pilot-ka ku qasban, inuu ka dago garoon shacab oo halkaasi ku yaala.

In kastoo ay fara galin iyo ceyrsasho ku sameyen ilaa lix diyaarad oo ah kuwa dagalka, diyaarada yar ayaa ka gudubtay Romania, waxa ayna dacalka koofur galbed ka gashay wadanka Serbia, iyadoo usii gudubtay dalka Bulgaria oo ah goobta ay ka caga dhigatay.

Military-ga Bulgaria ma sameyn wax dhaqdhaqaq ah, sidoo kalena ma dirin diyaarado dagaal si looga hortago xad gudubka uu sameyey Pilot-kan, inkastoo lagu war galiyey hadafka ay ku wajahan thy, lagana dalbaday inay si degdeg ah wax uga qabato, balse waziirka difaaca ee Bulgaria ninka lagu magacabo Dragomer Zakov ayaa ku andacoday, in diyaaradasi aysan wax halis ku aheyn amniga dalkiisa, sidaa darteedna ay ka gaab sadeen ka qeyb galka mashruuca ay waday dowlada Mareykanka.

Wargeyska laga leeyahy Faransiiska ayaa ku andaconaya, in sababta rasmiga ah ee Bulgaria u diiday ka qeyb galka baacsiga lagu hayey diyaarada ay thy, hawada oo xumeyd iyo diyaaradaha dagaalka ee dowladan oo ah kuwa dhalin ah, maadama aysan xukumada Sofia heysan diyaarado cusub, miigaga u yaalana ay yihin kuwii ka haray Midowgi Soviet ee qadiimiga ahaa, halka sidoo kalena aaan Meesha laga saari Karin, in dadka la socday diyaaradasi ay cilaaqo wanagsan kala dhexeysay madaxda dowlada, sidaasna ay isha kaga laabteen xad gudubkeeda.

Intii ay safarka kusoo jirtay diyaaradan, waxa ay caga dhigatay laba jeer, si ay shidaal usii qaadato, mar kastana waxa ay ka caga dhiganeysay garooma yaryar oo aysan wax muraaqabo ah saarneyn, iyadoo adegsaneysa nidaamka gacanta si loo buuxiyo taangiyadeeda shidaalka, arinkaas oo u suurta galiyey inaysan u baahan garoomada waaweyn ee ay gacanta ku hayaan dowladaha Lixda ah ee aan soo shegnay.

Ilo waredyo lagu kalsonyahy ayaa shegaya, in wadaha diyaarada iyo ragii la socday ay handaden shaqalaha garoon ku yaala bariga dalka Hangry, halkaas oo ay shidaal ka qaateen, daqiiqado yar kadib marki ay duushay ayayna shaqaluhu xiriir la sameyen mamulka dowlada, waxaana loo badinayaa in wicitanka dadkan uu dhaliyey bararuga dowlada, balse ay ka dhuumatay raadarada, si lamid ah dalalka Poland, Czech republic iyo Slovakia, kuwaas oo dhamantod katirsan Isbaheysiga NATO.

Ugu danbeyn diyaaradan ayaa maalin kadib laga helay garoon laga guuray oo ku yaala gudaha dalka Bulgaria, gaar ahaana tuulo yar oo 100km u jirta Bada Madow, halkaas oo loo badinayo inuu ahaa hadafka dadkii saarna diyaarada, mana jiro wax raad ah oo ay ka tagen, ama muujinaya nooca ay ahayen dadki sarna diyaradasi.

Kadib baaris lagu sameyey milkiyada diyarada ayaa la ogaday, in asalkeeda uu lahaa Sarkaal horey kaga tirsana ciidanka keydka ee dalka Lithuania, kaas oo sheegay inuu dhowr maalin kahor ka iibiyey rag iskasoo dhigay ganacsato, kuwaas oo u muuqday inay ahaayen reer yurub.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment