DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka "DAAWO"

Bulsha:-  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xamza Cabdi Barre inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sidoo kale soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza ku doortay inuu yahay qof uu yaqaan, oo ay muddo wada-shaqeynayeen, taasi oo yareyn karta khilaaf ka dhex dhashay labadooda.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale aad ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu horreeyey golaha shacabka ee lagu soo doortay Jubaland, 28-kii December 2021.

Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa rajo xooggan ka qabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo dadaal u galay in xitaa haddii aan isaga la magacaabin la magacaabo qof kasoo jeeda Puntland oo uu isaga kaalin ku leeyahay.


Xamse Cabdi Barre waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dhashay horraantii 1970-kii.

Hoos ka daawo magacaabista 









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment