C/raxmaan C/shakuur oo la shiray deeqbixiyeyaasha fadhigoodu yahay Nairobi.

Bulsha:- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay kulan ay safaaradda Jarmalku soo qabanqaabisay oo ay kasoo qeybgaleen deeqbixiyeyaasha fadhigoodu yahay Nairobi.

Safiir ku xigeenka Jarmalka Sascha oo hadalkiisa ku billaabay in uu bogaadinayo masuuliyadda hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay iska saarayaan arrimaha biniaadannimada iyo sida firfircoon ee Xafiiska ergeygu u dhaqaajiyay howlahaan ayaa caddeeyay in Jarmalku xil iska saarayo gacan siinta Soomaaliya isaga oo sheegay in ay sanadkaan ku bixiyeen Soomaaliya ilaa 45 Milyan oo Yuuro.

Ergay Cabdiraxmaan oo Dowladda Jarmalka iyo hayadaha kaleba uga mahadceliyay sida ay ugu heellanyihiin mar walba gacan siinta dadkiisa ayaa uga warramay xaaladda daran ee abaaraha iyo sida looga baqanayo in ay macluul isu beddesho. Ergeyga ayaa intaas kadib ku tirtirsiiyay kasoo qeybgalayaashu in ay kordhiyaan tageeradooda dhaqaale Isla markaana ka gacan siiyaan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.




Danjireyaasha ayaa ballanqaaday in ay ku dedaali doonaan in dowladahoodu kordhiyaan gacan ka geysashada abaaraha Soomaaliya iyaga oo Dhanka kalena tilmaamay in ay aad u daneynaynayaan wax ka qabashada sababaha iyo helista xal waara.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment