Xog Cusub: Xiriirka Cusub ee M/weyne Xasan Sheikh & Israel (Wax badan ka ogoow)

Bulsha:-  Guux ka dhashay Diyaarad Soomaaliyeed oo ka degtay Israa’iil & Xiriirka Cusub Xasan Sheekh uu la leeyahay Dawlada Israa’iil,iyadoo Warbaahinta Warqaad ay xogo xasaasi ah ay ogaatay.

Wargeyska “The times of Israel” ayaa waxa uu bishii June 2016 daabacay lix sano ka hor warbixin aheyd in Raysalwasaarihii dalkaasi Israel Binjamin Netanyahu ay kulan ku yeesheen Qarsoodi ahaa Tal-abiib, caasimadda Isra’iil, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma jirin war cad oo laga helay markaasi wixii ay kawada hadleen Netanyahu iyo Xasan Sheekh balse shakigii jiray ayaa mar kale soo baxaya.

Habeenimadii Xalay, lix maalmood kadib markii uu talada ku soo noqday,Madaxweyne Xasan Sheekh waxa Tal-abiib ka degay diyaaraddii ugu horreysay ee Dalka Soomaaliya laga leeyahay.

Lama oga weli ujeedka iyo cidda saarneed. Balse waa arrin wax ka tilmaameysa xiriirka daahsoon ee ka dhexeeya maamulka cusub Ee Soomaaliya iyo Xukuumada Tal-abiib.




Sawirka xalay laga qaaday garoonka Tel Aviv Ben Gurion Airport ayaa muujinaya Shirkada Duulimaadyada “Halla Airlines” 5Y-CJQ, 1981 Boeing 737-200 oo ka diiwaan gashan dalka Kenya, una shaqeysa Shirkada Somali airline ay ka degtay Tal-abiib..

Diyaaradda ayaa ka degtay halkaasi xalay, iyadoo adeegsanaysa Koodhka Ciraaq ee Mode-S #72861A.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment