Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Burundi

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khawaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ex AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa wuxuu ku bilowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga la weeraray iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka mar dambe ku biiray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada ATMIS ee lagu weeraray halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka waxa ay shaacisay inay dagaalyahanadeeda gudaha u galeen saldhigga, ayna la wareegeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.


Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment