Wararkii ugu danbeeyay weerar xalay lagu qaaday saldhig ciidan oo degmada Afgooye ah

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus gelinkii danbe ee xalay lagu qaaday fariisimo ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, weerarkan waxa uu si gaar ah uga dhacay Buundada yar ee degmada Afgooye, halkaaso uu sagaal socday mudo kooban ku dhexmaray kooxdii Shabaab iyo ciidanka dowladda, iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goob joogayaal ah waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen iney ka war heleen dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale, mana jirin wax war ah oo weerarkan ay ka soo kala saareen labada dhinac ee dirirta u dhexeysay.

xaalada goobihii lagu dagaalanay ayaa saaka ah mid degan isla markaana isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka ay yihiin kuwo si caadi ah u Shaqeeynaya, waxaana socda howlgalo baaritaaba ah ay wadaan ciidanka amniga ee degmada Afgooye











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment