War Deg Deg :- Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho

Bulsha:- Dawlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la xanibay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee Madaarka Muqdisho 48-ka saac ee soo socota.

Waxa la war geliyey madaxda shirkadaha diyaaradaha iyadoo loo sheegay in wixii caawa ka dambeeya aysan jiri doonin duulimaadyo lasameyn karo.

Iyadoo gabi ahaan la joojiyay duulimaadyada dibadda iyo dalka gudihiisa ee Garoonka Aden Cadde Airport sabab lagu sheegay doorashada berri dhaceysa awgeed.

“Laga bilaabo caawa 12-ka saqdhexe ma jiri doono wax duulimaad Ah Ilaa maalinta isniinta,ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha”.


Garoonka diyaaradaha muqdisho ayaa waxa uu ku yaallaa xeydaabka aadka loo ilaaliyo iyadoo hagarka Afisiyooni uu ku dhaw yahay madaarka,sidaas ayaana duulimaadyada loo joojiyey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment