Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay arrin uu Putin damacsanyahay

Bulsha:- Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo uu ku qaado Ukraine, iyadoo xitaa guushii bariga laga gaaray ay suuragal tahay inaysan soo afjarin colaadda.

Waxa ay ku soo beegantay iyadoo dagaalo ba’an ay ka socdaan bariga, halkaasi oo Ruushka uu isku dayayo inuu dhul ku qabsado.

Moscow ayaa dib ugu celisay ciidamadeeda qabsashada gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay isku day ay ku doonaysay inay ku qabsato caasimaddeeda Kyiv.

Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamadeedu waxay ku jiraan xaalad is-mariwaa ah, ayay sirdoonka Maraykanku sheegeen.

Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Mareykanka Talaadadii in Putin uu weli damacsan yahay “inuu gaaro yool ka baxsan Donbas”, laakiin “inuu wajahayo is-waafajin u dhexeeya hamigiisa iyo awoodda Ruushka ee hadda”.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment