SAWIRRO: Sheekh Shariif oo qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharrax Madaxweyne, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo, kaddib markii uu maalmo kahor ku guuleystay doorasha da kursiga HOP#146, oo ka dhacday caasimadda Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Sheekh Shariif ayaa u mahadceliyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, oo guddoonsiiyay shahaadada rasmiga iyo beesha uu kasoo jeedo oo u dooratay kursiga. Isagoo sheegay in uu rajeynayo in ay si nabad ah ku dhacdo doorashada Madaxweynaha JFS, oo loo madlan yahay 15-May.

“Waxaan maanta guddiga doorashooyinka heer federaal ka guddoomay shahaadada xildhibaanimo ee Golaha Shacabka BJFS kursiga tirsigiisu yahay #HOP146 waxaan u mahad celinayaa Bulshada leh kursiga oo ii gartay in aan ku matalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa in doorashada Madaxweynaha si nabad ah noogu qabsoonto.”













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment