SAWIRO:- Booliska Dowlad degaanka oo qabtay Hub & Xubno katirsan Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidamada xoogga Gaarka ah ee Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay howlgal ku qabteen  tuulada Hilomadow ee degmada Ceelkari 8 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ah iyo hub ay wateen.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Guutada 2-aad ee xoogga Ciidanka gaarka ah ee ka hawlgalla gobolada Erar, Afdheer iyo Nogob, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay si hoose ula socdeen dhaq dgsqaaqooda, isla markaana dhammaan kooxdii iyo hubkii ay wateen ay gacanta ku soo dhigeen.

Hubka  ragga la qabtay ay wateen ayaa ka kooban qorayaha Ak47, rasaas iyo 10 baasuuke, kuwaas oo Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay ku doonayeen inay weerar uga fuliyaan meelo kamid ah degaanka Soomaalida.

laba todobaad ka hor ayay aheyd markii sidaan kale Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ay qabteen 32 Ruux iyo hub ay wateen, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment