Ruushka oo la wareegay magaalo muhiim ah oo ku taalla dalka Ukraine

Bulsha:-  Milatariga Ruushka ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Istaraatejiga ah ee Lyman oo ku taalla gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, magaaladan ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinaca isku xidhka adeegga tareenada. Qabsashadan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida dalka Ruushka.

Qabsashada magaaladan waxaa iska kaashaday ciidamada milatariga Ruushka iyo maleeshiyada ka dagaalanka gobolka Donetsk ee DRP. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa markii ay ka hadlaysay inay qabsadeen magaaladan, waxay ugu yeedheen magaca Ruushka ee magaaladan loogu yeedho oo ah Krasny Liman.

La wareegitaanka magaalada Lyman ayaa u gogol xaadheysa in Ruushku uu bilaabo wejiga xiga ee weerarkooda gobolka Donbas. Magaaladan ayaa waxay 40 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan tahay Sievierodonetsk, oo ah magaalada ugu wayn gobolka Donbas halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Ukraine.

Sievierodonetsk, oo haatan ah bartilmaameedka ugu weyn ee Moscow, ayaa hadda lagu hayaa weerar culus. Guddoomiyaha gobolka Luhansk, ayaa sheegay Jimcihii in ciidamada Ruushka ay galeen magaalada Sievierodonetsk.

"Haddii Ruushku uu ku guuleysto in uu la wareego aagaggaas, waxay u badan tahay in Kremlin-ka ay u arki doonto guulo siyaasadeed oo la taaban karo, iyaga oo heli doona guulo ay la wadaagaan shacabkooda, iyaga oo u qiil samaynaya duullaankooda” sidaas waxaa sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.


Ruushka ayaa sidoo kale wuxuu sabtidii maanta sheegay inay ku guulaysteen tijaabo ay ku sameeyeen gantaallada hawada sare, kaas oo ka dhacay Arctic. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaalka Zircon hypersonic cruise missile ee ay tijaabiyeen inuu si guul ah u gaadhay bartilmaameedkii loo asteeyey isaga oo jaray xawaare gaadhaya illaa 1,000 kilomitir.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AP, AFP iyo Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment