Qarax lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo Muqdisho ka dhacay

Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle.

Qaraxaasi ayaa wararku intaasi ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay VOA-da in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.


VOA-da ayaa la xiriirtay saraakiisha booliska si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment