Nin hubeysan oo toogasho ku dilay 19 carruur ah gobolka Texas

Bulsha:- Nin hubaysan ayaa dilay ugu yaraan 19 carruur ah iyo laba qof oo waaweyn kadib markii uu xoog ku galay dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Texas Talaadadii, waana weerarkii ugu dambeeyay ee dil bareer ah oo ka dhacay Maraykanka iyo toogashadii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda muddo ku dhow toban sano.

Eedeysanaha oo 18-jir ah, oo sida muuqata ay Booliska dileen, ayaa sidoo kale toogtay Ayeeydiis kahor inta uusan ka baxsan goobta, kadibna uu shil ku galay gaarigii uu ka baxsaday , isagoo kadibna weerar dhiig badan ku daatay ka geystay Dugsiga Hoose ee Robb oo ku yaalla magaalladda Uvalde, ee gobolka Texas oo 130 km galbeedka kaga beegan magaalada San Antonio.

Sababta uu dilkan u geystay ilaa hadda ma cadda.

Sida uu Tv-ga CNN u sheegay Sergeant Erick Estrada oo ka tirsan Waaxda Badbaadada Dadweynaha ee Texas (DPS), ciidanka booliska ayaa arkay ninka hubaysan oo sidoo kale xiran difaaca jirka, kana soo baxay gaarigii uu shil ku galay, kadibna orod ku galay gudaha Iskuulka uu weerarka ka fuliyay.


Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad saacado kadib, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo si muuqata ay dhacdadan saameysay ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u istaagaan u ololeynta wax ka qabashada hubka Mareykanka ee ay ka dambeyso siyaasaddu, kaasoo uu ku eedeeyay inay hor istaagtay dhaqan gelinta sharciyo adag oo macquul oo la xiriira xakamenta hubka.

Biden ayaa amray in calanka Maraykanka hoos loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, si loogu baroordiiqo carruurta la laayay.


Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in tuhmanaha oo lagu magacaabi jiray Salvador Ramos, sida muuqata ay dileen askar ka tirsan booliiska, waxaana uu sheegay in laba askari ay ku dhacday rasaas, inkastoo guddoomiyuhu sheegay in dhaawacyadoodu uusan ahayn mid halis ah.

Xasuuqa carruurtan oo da'doodu u dhaxeyso 7-10 jir ayaa imanaya 10 maalmood kadib markii 10 qof lagu dilay xaafad ay u badan yihiin dadka madowga ah oo ku taalla magaalada Buffalo ee gobolka New York.

Reuters.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment