Kooxda Real Madrid ayaa markii 14-aad ku guulaysatay Koobka Champions League-ga

Bulsha:- Kooxda Liverpool oo doonaysay in ay markeedii 7-aad ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga ayaa waxaa lasoo deristay niyad jab weyn kadib markii qeybtii dambe ee ciyaarta uu gool ka dhaliyay ciyaaryahanka Vinicius Jr sidaasna ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay koobka horyaalka Yurub.

Kooxda Real Madrid ayaa markii 14-aad ku guulaysatay Koobka Champions League-ga kadib ciyaartii xaley ka dhacday garoonka Stade de France ee ku yaalla magaalada Paris.

Guushan, tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti waxay uga dhigan tahay in uu taariikh saameeyay isagoo noqday tababarihii ugu horeeyay ee ku guuleysta horyaalkii afaraad ee Champions League.

Goolhayaha Real Madrid ayaa xaley ahaa ninka la is dhihi karo wuxuu ka qeyb qaatay guusha maadama uu Liverpool ku noqday laf dhuun gashay, wuxuu kubado badan ka qabtay weeraryahanada Liverpool sida Maxamed Saalax iyo Sadio Mane.

Xilli ciyaareedkii wacnaa ee Liverpool waxa uu u horseeday inay ku guuleystaan Carabao Cup iyo FA Cup -kadib markii ay rigoorayaal kaga badiyeen kooxda Chelsea – laakiin damacoodii ahaa in koobab badan ay qaadaan ayaa ku soo dhammaatay niyad-jab weyn, Man City ayaa hal dhibic oo kaliya ah dhawaan kaga qaaday horyaalka Ingiriiska, waxaa halkaa kusoo gabagaboowday rajadoodu aheyd in koobkan ay qaadaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment