Japan oo u wareegaysa tamarta Nukliyeerka si ay uga maaranto ku tiirsanaanta gaasta Ruushka

Bulsha:- Ra'iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in dalkiisu uu u wareegi doono isticmaalka tamarta nukliyeerka si ay u dhimaan ku tiirsanaanta shidaalka ay ka soo iibsadaan dalka Ruushka iyo wadamada kale.

Dalka Japan ayaa noqday mid aad ugu tiirsan gaasta uu ka soo iibsado dalka Ruushka, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2011, xilligaas oo dalka Japan uu xidhay wersheddii tamarta nukliyeerka ku shaqayn jirtay ee Fukushima, ka dib dhulgariirkii xoogganaa ee dalkaas ku dhuftay, kaas oo sababay in wershedda uu dhaawac soo gaadho.

Ra’iisal wasaaraha Japan oo isu diyaarinaya doorashada dalkaas ka dhacaysa bisha July, ayay horyaallaan arrimo badan oo ay tahay inuu xal ka gaadho ka hor inta aan doorashada la gaadhin, waxaana qodobada ugu muhiimsan ka mid ah, inuu xakameeyo qiimaha tamarta ee sare u sii socda, taas oo saamayn ku yeelanaysa go’aanada ay gaadhayaan codbixiyayaashu.


Ra’iisal wasaaraha ayaa iibgeynaya xilligan in tamarta nukliyeerku ay noqonayso mid ka mida qodobada ugu muhiimsan siyaasadda tamarta ee dalka Japan.

Waxa uu sheegay in Japan ay wax ka qaban doonto sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho dhinaca tamarta ah, iyada oo la balaadhinayo meelaha uu dalkaasi tamarta ka helayo, sida kor u qaadida tamarta la cusboonaysiiyo iyo isticmaalka tamarta nukliyeerka.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment