Jabuuti: Maxkamad xukun ku ridday wasiir iyo taliye hore

Bulsha:- Maxkamad ku taalla dalka Jabuti ayaa min saddex sano oo xarig ah ku ridday, Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka booliska Jabuti, Corneel Cabdullahi Cabdi Farax, kaddib marki sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay danbi ah in ay si sharci darro ah u iibsadeen cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in wasiir Boode iyo Taliye Cabdullahi Cabdi ay saddexda sano ee xariga ah ku qaada doonaan xabsiga dhexe ee Gabood.

Waxaa iyaguna mid shan sano oo xarig ah lagu xakumay Yabeh Said Geldon iyo Ibrahim Abdi Geelle oo ay maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale lasii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, balse VOA-da ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro madaxweynaha Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle.


Qareennada saraakiisha xakunka lagu ridday oo aan la xiriirnay ayaaney wali suura-gelin inaan helno. Balse wali VOA-da waxay ku dadaaleysaa sidi ay heli laheyd falcelinta qareennada eedeysanayaasha ee ku aaddan go’aanka maxkamadda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment