Gudoomiyaha Guddiga FEIT oo war ka soo saaray kursiga Fahad Yaasiin ee Hop#086.

Bulsha:- Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kala diray guddiyada doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo igmaday.

Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha , wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

wuxuu sheegay uusan jirin wax shaqo ah oo u harsanaa Guddiga isla markaana Shaqadoodabay ku ekeyd , markii ay dhammaatay doorashadii Xildhibaannada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee kursigaas reerka iska leh ay ka tashanayaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment