Bulsha:- Taliska ciidamadda booliska Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirrada 36 qof oo isugu jira hoggaanka iyo saraakiisha Ahlu-Suna, kuwaasoo loo heysto dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay Dhuusa-mareeb.
Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.
Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed ayaa shacabka ugu baaqay in laamaha amniga ay ku soo war galiyaan hadii ay helaan xogta shaqsiyaadka la soo bandhigay ee doonayaan laamaha amniga.
“Waxaa soo gabagaboobay howlgalka 1aad ee la dagaalanka urur diimeedka Sufo, waxaa billaabanaya wajiga 2aad ee howlgalka oo ah baacsiga & ciribtirka kooxda Sufo oo ku dhuumaaleysanaya Galmudug, waxaa intaas wehliya Dad maran habaabiyay Dadka oo Shacabka u dhiibay oo qalqalgeliyay Amniga si looga hortago waxyaabaha ay ku hayaan Bulshada, Shacabka Galmudug waxa aan ka codsaneynaa in ay nagu soo wargeliyaan meel weliba oo ay ku arkaan Dadkaas magacyadooda iyo sawirradooda lasoo gudbiyay ee 36da ah” ayui yiri sarkaalkan.
Hadii Galmudug ay gacanta ku dhigto shaqsiyaadkan waxaa loo maxkamadeynayaa Dagaalkii Dhuusamareeb ka dhacay 13kii May 2022 ee dhaliyay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxa ay ku eedeysan yihiin abaabulka dagaallo kale oo Galgaduud ka dhacay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment